Laga soo bilaabo waqtigii la aasaasay SNM dukumantiyadii ururka ee nooc walba lahaa, warbixinnadii xaaladihii taagnaa laga qoray iyo wixii qoran ee intaa soo raaca ee xafiisyadii ururka ka soo baxay, raggii ururka ka tirsanaa ama qaar ay si kale ku soo galeenba nin waliba wixii uu hayay ama helay gurigiisa ayuu la fadhiyaa. Ilaahay oo u sakhira mooyaane qof arrimahaa wax ka qoraya lagama yaabo in ay siiyaan in ay uga warramaan mooyaane. Haddaba si dukumantiyadaasi tixraac ugu noqdaan dadka waqtigan iyo ka dambeeyaba wax qoraya waxa habboon in qofku xaddiga uu hayo iyagoo sawiran uu ummadda u hanneeyo. Muddadii aan waday xogururinta labadayda buug ee aan ka qoray Madaxweyne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo Damal Cabdiqaadir Koosaar Cabdi (soo bixi doona dhawaan), waxaa i soo galay suganti aad u badan oo ururku lahaa: haddii ay yihiin xeerarkii kala danbeeyay, barnaamijyadii siyaasadeed ee shirweynayaashii ururka, bayaannaddii la soo saaray, farriimihii dawladaha dunida iyo ururradii kale loo diray iyo qoraallo daabacan oo xafiisyadii ururka ka soo baxay. Sidaa awgeed, waxay ila noqotay maadaama aanay dadweynaha iyo adduunkuba xogogaal u ahayn sugantida aasaasiga ah ee SNM tan iyo maalintii la aasaasay 6dii Abriil. 1981kii in aan la wadaago wixii keyd ahaan ii soo galay ee aan hayay; si berri ka maalin qof kasta oo baadhis ku samaynaya waxna ka qoraya sooyaalkii ururka SNM ay ugu fududdaato inuu si sahal ah ku helo sugantidii ururka. Sidaas ayuu buuggani ku yimid. Haddaba, ujeeddada aan gol lahaa inaan buuggan ku ururiyo sugantidii qornayd ee SNM waxa ay ahayd: 1. Si’ aad u heshaan sawirkii dhabta ahaa ee SNM oo aan ku-tiri-ku-teen ahayn, 2. Beeninta Caddaymaha wadata ee dacaayadaha faafay ee ah in aan SNM waxba u qornayn ee ay qori dab leh la soo gashay dalka, 3. In sida dhaqanka u noqotay guud ahaanba Soomaalida aan mustaqbalka la waayin SNM iyo dhigaal ka yaallaba, 4. In dadka iyo cilmi-baadhayaasha mowduucan danaynayaa helaan xog sugan oo dhab ah oo ka tarjumaysa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, 5. In aanu taariikhda Soomaalida hore u soo marin Urur/Xisbi xagga sugantida iyo Xeerarkaba hodan ka ahi sida SNM.

Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmed Cali "Tuur"